Related Reading
Search Clinical Content Search Health Library
A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z A-Z Listings

Sonkorowga: Qorsheynta Cuntada

Waxaad ku caawin kartaa joogteynta heerka sonkorta dhiigaaga ee bartilmaameedka heerkaaga adoo cunayo cuntooyin caafimaad leh. Kooxdaada daryeelka caafimaadka ayaa kaa caawin kara abuurista qorshaha cuntada nafaqada leh. Ka qaado door firfircoon maareynta sonkorowgaaga. Raac qorshaha cuntadaada oo la shaqee kooxdaada daryeelka caafimaadka.

Family in kitchen preparing salad.

Samee qorshaha cuntadaada

Qorshaha cuntada wuxuu bixiyaa hagitaanada noocyada iyo cadadka cuntada aheyd inaad cuntid. Yoolka ayaa ah dheelitirka cuntada iyo insuliinta (ama daawooyinka sonkorowga kale). Qaabkaas, sonkorta dhiigaaga ayaa ahaanaysa qiyaasta beegsigaaga. Khabiirka cuntada ayaa kaa caawinyo inuu kuu sameeyo qorsho dabacsan oo cuntada ah oo ay ku jiraan cuntooyin badan ee aad jeceshahay.

Iska fiiri cabirada qaadashada

Qorshahaaga cuntada waxay noqonayaan cuntooyinka kooxda oo qaadasho ahaan. Si aad u bartid inta qaadasho ee ay tahay, ku bilow adoo cabiraya qeybaha cuntada ee cunto walba. Dhawaanba waxaad ogaaneysaa waxa qaadashada ugu egtahay saxanka dushiisa. Weydii adeeg bixiyahaaga daryeelka caafimaadka wax ku saabsan sida loo dheelitiro cuntooyinka kala duwan.

Ka cun kooxaha cuntadoo dhan

Aasaaska qorshaha cuntada caafimaadka leh waa cunista cuntooyin badan oo kala duwan. Dooro miraha iswato, qudaarta aan budada aheyn, misirta, loosaska iyo miraha, qamadiga, iyo walxaha caanaha dufanta ku hooseeyo ama aan laheyn. Yareey hilibka, cabitaanada sonkorta macaan, nanacyada, badarka la sifeeyay, iyo cuntooyinka la warshadeeyay. Cunista cuntooyin badan oo kala duwan waxay siisaa jirkaaga nafaqada u baahanyahay. Waxay sidoo kale kaa illaalin karaan inaad ku caajistid qorshahaaga cuntada.

Wax badan ka baro kaarboon haydarytka, dufanta, iyo burutiinka

  • Kaarboonka (karbon). Kuwaan waa budada cuntada, sonkorta, iyo faybarka. Waxaa laga helaa cuntooyin badan. Kuwaan waxaa ka mid ah miro, rooti, baasto, caano, iyo nanacyo. Oo dhammaan cuntooyinka aad cuntid, kaarboon haydaraytka waxay badanaa saameeyaan sonkorta dhiigaaga. Khabiirkaaga cuntada ayaa laga yaabaa inuu wax kaa baro xisaabinta kaarboon haydaraytkaaga. Tan waa qaabka lagu ogaado tirada kaarboonka cuntadaada ku jirto. Kaarboon haydaraytka caafimaadka leh waxay u galaan jirka si tartiib ah. Sare uma kiciyaan sonkorta dhiiga si badan.

  • Dufanta. Kuwaan waxay leeyihiin koloriiga ugu badan. Waxay sidoo kale leeyihiin saameynta ugu badan ee culeyskaaga iyo halistaada cudurka wadnaha. Markii aad qabtid sonkorow, waa muhiim inaad xakameysid miisaankaaga oo aad illaalisaa wadnahaaga. Cuntooyinka ku badan dufanta waxaa ka mid ah caanaha, jiista, cuntooyinka fudud, iyo macmacaanada. Waxaad ka cuni kartaa wax badan oo dufanta wadnaha u roon sida afakaadhada, kalluunka salmoonka, tuunaha, loosaska iyo miraha, iyo saliida seytuunka.

  • Burutiinka. Tan waxay muhiim u tahay dhisida iyo sameynta murqaha iyo lafaha. Dooro illaha burutiinka dufanta hoose sida kalluunka, cadaanka ukunta, iyo digaaga maqaarka laga saaray. Waa in laguu tilmaamaa inaad miisaanto ama cabirtid illaha burutiinkaaga.

Yaree sonkorta biyaha ah

Koloriiyada dheeraadka ah ee soodhada, cabitaanada ciyaaraha, iyo cabitaanada miraha ayaa ku adkeeya joogteynta sonkorta dhiiga oo kala duwan. In badan uga jar sidaad u awoodid cabitaanada sonkorta dareeraha qorshaha cuntadaada.

Tan waxaa ka mid ah juusaska miraha badankood. Badanaa waxaa ku badan sonkorta dabiiciga ama lagu daro. Badelkeeda, cab biyo badan iyo cabitaanada kale ee sonkorta aan laheyn.

Cun dufan yar

Haddii aad u baahantahay inaad lumisid miisaanka, isku day inaad yareysid cadadka dufanta cuntadaada. Tan ayaa sidoo kale kaa caawin karta yareynta heerka kolostaroolkaaga si caafimaad ugu hayo xididada dhiigaaga. Ka jar dufanta adoo isticmaalayo kaliya cadad yar oo dareeraha saliida oo karin ah. Si feejigan u akhri qoraalada cuntada. Ka fogow cuntooyinka leh dufanta aan caafimaadka lahayn ee cuntadta.

Si ku haboon wakhti ugu samee cuntooyinkaaga

Markii ay timaado xakameynta sonkorta dhiiga, markii aad u cuntid sida muhiimka ah ee waxa aad cuntid. Waxaad u baahan kartaa inaad cuntid dhowr cuntooyin yar oo kala fog muddada maalinka si aad u joogteysid beegsigaaga. Marka haka boodin quraacda ama ha sugin illaa xili dambe oo maalinka ah si aad u heshid inta badan koloriigaaga. Sameynta sidaas waxay ku sababi kartaa sonkorta dhiigaaga inay aad sare ugu kacdo ama hoos aad ugu dhacdo.

© 2000-2025 The StayWell Company, LLC. All rights reserved. This information is not intended as a substitute for professional medical care. Always follow your healthcare professional's instructions.
Powered by Krames by WebMD Ignite
About StayWell | Terms of Use | Privacy Policy | Disclaimer