Tilmaamaha Galmada Badqabka ah
Waa maxay galmo badqab ah?
La sameynta galmo kaliya hal lamaane kaasoo kaliya adiga galmo kula sameeya markii midkiin uu qabo caabuqa galmada laga qaado (STI) ayaa la aaminsanyahay inuu badqab yahay. Laakin xirfadlayaal badan oo caafimaadka ayaa aaminsan inaysan dhabtii halkaas jirin wax noocaas ah sida galmo badqab ah. Waxay aaminsanyihiin qaabka kaliya ee oo runtii badqab lagu ahaado inay tahay inaadan galmo sameynin. Noocyo walboo xiriirka galmada ah waxay wadaan qayb halis ah.
Tusaale ahaan, shuminta waxaa loo maleeyaa inay tahay howl badqab ah. Laakin caabuqa nabrada iyo cudurada kale ayaa qaabkan u faafi kara.
Kondhomyada ayaa caadi ahaan loo maleeyaa inay ka illaaliso hortagto STIs. Waa run in kondhomyada ay waxtar u leeyihiin ka hortaga cudurada qaar sida caabuqa nabraha, fayraska aadanaha, iyo jabtada. Laakiin waxaa laga yaabaa inaysan si buuxdo uga illaalin cudurada kale, sida burooyinka siilka, waraabowga, ama HIV.
 |
Gondhobka ragga. |
 |
Gondhobka dumarka. |
Hagitaanada galmo badqab ah
Ku xadee howshaada galmada kaliya hal lamaane oo kaliya adiga kula sameynayo galmo si loo yareeyo gaarista cudurka sababo galmada. Raac hagitaanadan, oo ku siin karto galmo badqab ah:
-
Labo jeer ka fakar ka hor intaadan bilaabin xiriir galmada ee aad la leedahay lamaane cusub. Marka koowaad, kala hadal lamaanayaasha hore, taariikhda STIs, iyo isticmaalka daroogada.
-
Isticmaal kondhom waqti walba ee aad galmo sameysid. Dooro kondhomka ragga ee ka sameysan latex ama caag--ma ahan walxaha dabiiciga ah. Kaliya isticmaal goomaha haddii aad xasiisi ku tahay latex. Kondhomyada dumarka wuxuu ka sameysanyahay caag.
-
Daraasado ayaa muujinayo in daawada disha shahwada ee nonoxynol-9 ay ku disho HIV baaritaanka sheybaarka, laakiin lama oga haddii daawada disha shahwada, loo isticmaalo kaligeed ama lala isticmaalo kondhom, ay bixineyso illaalada HIV. Waxaa jiro xog muujineysa daawada nonoynol-9 inay kordhin karto halista isu gudbinta HIV. Laakiin CDC ayaa ku talineyao isticmaalka kondhomyada laastiiga ah, oo leh ama aan laheyn daawada disha shahwada, si ay kaaga cawiso ka hortaga isgudbinta galmada ee HIV.
-
Wixii galmada afka ah, ka caawi illaalinta afkaaga adoo dhahayo in lamaanahaaga uu isticmaalo kondhomka (raga ama dumarka).
-
Ha cabin alkulo ama ha isticmaalin daroogo. Waxay kordhiyaan fursada ah inaad ka qeyb qaadaneysid dabeecadaha galmada halista sareysa.
-
Dadka waa inaysan caag is gelin galmada kadib. Kaama illaaliso STIs. Waxay ku sii faafin kartaa caabuqa marinka taranka, oo waxay dibada u soo saari karta illaalada shahwada.
-
Qaado baarinaada Sheybaarka Ilmo galeenka Joogtada ah, baaritaanada ilmo galeenka, iyo baaritaanada mudeysan ee STIs.
-
Ka feejignow jirka lamaanahaaga. Ka fiiri aastaamaha xanuunka, finanka, nabrada, ama dhecaanka.
-
Ka fiiri jirkaaga badanaa aastaamaha xanuunka, finanka, nabrada, ama dhecaanka.
-
Tixgeli howlaha galmada oo aan ka aheyn galmada siilka, afka, ama futada. Kuwan waa farsamooyinka aan ku lug laheyn isdhaafsiga dheecaanada jirkiina ama taabashada dhexmarta daloolada dheecaanka.
© 2000-2025 The StayWell Company, LLC. All rights reserved. This information is not intended as a substitute for professional medical care. Always follow your healthcare professional's instructions.